U bood dhigaalka

Mareykanka: Boqollaal Dagaalyahan Ayaan Ku Dilnay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne Donald Trump uu raadinayo qorshe lagu yareynayo hawl-gallada lagu beegsanayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan waddamada Syria, Afghanistan iyo Galbeedka Africa.

Duqeymo xooggan oo dowladda Mareykanku ku qaadday Alshabaab afartii bilood ee ugu dambeysay sannadkii 2018kii ayey uga dishay dagaalyahannadii ugu badnaa, Sannadkii tagey duqeymaha dhanka cirka ah waxaa lagu dilay 326 oo dagaalyahan waana illaa 47 weerar sida lagu sheegay xog ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka.

Sannadkan cusub ee 2019 kama awood yara weerarrada Alshabaab lagu beegsado. Bilihii Jannaayo iyo Febraayo oo kaliya talista Mareykanka ee Africa wuxuu sheegay in lagu dilay 225 dagaalyahan 24 duqeymo ah oo Soomaaliya laga fuliyey.

Waxaa Iyana jirtay in duqeymo goos-goos ah oo la fuliyey daba-yaaqadii bishii Febraayo lagu dilay dagaalyahanno kale waana illaa 3 weerar oo lagu qaaday goobo bartilmaameed ahaa. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in dhimashada la shaaciyey ay tahay oo kaliya mid Alshabaab loo geystay inkastoo kooxdani ay si joogto ah u sheegto in dadka la dilay ay yihiin Shacab iyadoo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada soo gaarta  shacabka

Kororka duqeymaha dhanka cirka ah waxay sababeen xaalad bini’aadannimo oo soo wajahda dalka sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka shaqeeya waxaana jirta in shacabku ay ka cararayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo cimillada oo aan u saamaxeyn inay deegaannadooda joogaan.

“Dadku waxay u baahan yihiin inay ka feejignaadaan dagaallada socda,” Sidaan waxaa tiri Brittany Brown, oo ah mas’uul ka shaqeysa siyaasadda Soomaaliya ee golaha ammaanka qaranka waxaana ay hawshan ku jiray illaa dowladdii Obama iyo tan hadda jirta oo ay madax ka tahay ICG oo ah koox xal u raadisa xasaradaha inta badanna diiradda saarta goobaha colaaddu ka aloosan tahay.

Dagaalka ka socda Soomaalia wuxuu u muuqdaa mid aan aad looga fikirin, ayey sii raacisay iyadoo sida ay sheegtay uu sii xoogeysan karo haddii ayey tiri aan dood badan laga yeelan sida laga yeelayo dagaallada iyo duqeymaha ka jiro gobollada dalka qaarkood.