U bood dhigaalka

Mareykanka: Doorashada Labada Aqal Oo Looga Cabsi Qabo Faragelinta Ruushka

Sheeko:Caalamka

Sida ay baahisey Wakaaladda Wararka ee Reuters, hoggaamiyayaasha hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa talaadadii shalay ahayd ka digey in waddanka Ruushku uu isku dayi doono faragelinta doorashooyinka dhawaan ka dhici doona dalka Maraykanka, iyaga oo adeegsan doona dacaayado iyo warbixinno marin-habaabin ah si ay saamayn ugu yeeshaan codka dadweynaha, si lamid ah sidii ay sameeyeen doorashadii madaxtinnimo ee Trump lagu doortay.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka mudane Dan Coats ayaa guddi Congress-ka Maraykanka ka tirsan u sheegay in waddanka Ruushka iyo weliba waddamo kale ay damacsan yihiin inay soo weeraraan doorashooyinka Maraykanka iyo weliba kuwa Europe.

Coats waxa uu intaas raaciyey in uu hayo caddaymo muujinaya in Ruushku uu beegsanayo doorashooyinka November ee Maraykanka. “Dhab ahaan, Maraykanka dagaal ayaa ku socda,” aya uu yiri mudane Coats.

Hadalkan Coats ayaa ka hor imanaya hadallada Madaxweyne Trump oo isagu aaminsan inaan waddanka Ruushku faragelin doorashadii Maraykanka ka dhacday ee isaga lagu doortay. Trump marar badan ayaa uu iska fogeeyey eedaymaha loo jeediyey ee ah in Ruushku uu ku taageeray guushiisa.

Sanadkan November 2018-ka,  waxaa Mareykanka ka dhacaya doorasho dhextaal ah (midterm elections), waxaa lagu tartami-doonaa ilaa 435 kursi oo aqalka hoose iyo 34 kursi oo ka mid ah 100-ka Senate-ka, waana doorashadaasi midda laga cabsi qabo in Ruushku soo farageliyo.

Goobjoog News