U bood dhigaalka

Mareykanka: Farmaajo Waxaan Kala Shaqeyn Doonaa Dib U Heshiisiinta, Dib U Dhiska, Dowladnimada Iyo Abaaraha

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa hambalyo u dirty madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyagoo ballan-qaadey iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub.

Mareykanka waxaa ay kaloo bogaadiyeen ciidamada Soomaalida iyo AMISOM dadaalladii nabad sugidda ee dalka ka dhacey lixdii bil ee ay doorashada socotey.

Maamulka Farmaajo waxaa ay kula taliyeen in uu horey ugu socdo la dagaalanka musuqa, sameynta dowlad tayo leh iyo in doorashada xor ah ay dalka ka dhacdo 2020-ka.

Arrimaha Mareykanka kala shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub waxaa ay sheegeen iney tahay dhismaha dowladnimada, dib u heshiisiinta, dib u dhiska, abaaraha, nabadgalyada iyo arrimo kale.

Goobjog News