U bood dhigaalka

Mareykanka: Hadafkeena Ma Aha In Meesha Ka Saarno Bashaar Al-asad

Sheeko:Caalamka

Maamulka cusub ee Washington  ayaa la sheegay in  uu qaadayo waddo ka duwan tii Obama kadib markii uu sheegay in hadafkiisa aanu aheyn in ay meesha ka saaraan Bashaar Al-Asad.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in maalmulkooda aanu waqti isaga lumineyn xil ka qaadista Asad, sida ay sameyn jireen maamulkii iyaga ka horreeyay.

2015kii, Wasiirkii arrimaha dibadda John Kerry ayaa sheegay xilligaas in Asad ay tahay in meesha ka baxo, laakin arrintaas ayuu ku xiray in ay wada hadal ku imaanmeyso.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa xoojiyay Howgalladiisa ka dhanka ah Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaase soo badanaya dilka rayidka.

Mousil waxaa March 17-keedii lagu dilay rayid badan oo la sheegay in lagu qalday Daacish, isla bishan waxaa rayid badan lagu dilay rayid ku jiray masjid ku yaallay Xalab, Suuriya.

Goobjoog News