U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Chad Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Dhanka Ammaanka Ee Labada Dal

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Chad Idriss Déby iyo xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa ku kulmay magaalada N’Djamena ee caasimadda dalkaasi.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka doodeen tiro malafyo ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Chad, iyo kaalmada uu Mareykanka ku bixiyo ciidamada iskaashatada ladagaalanka argigixisada ee xeebaha Africa oo ay ka mid yihiin Boko Haram.

Tillerson ayaa sheegay Talaadadii la soo dhaafay in Mareykanka uu siinayo qaar ka mid ah waddamada Africa kaalmo lacageed oo dheeri ah taasi oo gaareysa 530 Milyan si loogu la dagaallamo arrgigixisada iyo abaaraha ka jira Geeska Africa.

Tillerson ayaa sidoo kale sheegay in uu xaddiday wadankiisu istiraatiijiyadda ku aaddan Geeska Africa, oo ay ka mid yihiin ladagaalanka argigixisada, dowlad-wanaagga iyo horumarinta, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Africa ay tahay Mustaqbal ifaya.

Goobjoog News