U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Faransiiska Oo Isku Afgartay Xalka Bariga Dhexe, Daacish Kadib

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Mareykanka Trump iyo Macron ayaa isku afgartay qaab cusub oo bariga dhexe yeelan doono Daacish kadib, arrintaas waxaa lagu sheegay shir jaraa’id oo labada mas’uul qabteen.

Hadalkan waxaa uu imaanayaa xilli uu Trump booqasho ku joogo dalka Farnasiiska, Macroen ayaa sheegaya in uu ixtiraamayo go’aanka Mareykanka uga baxeen heshiiska Paris ee cimilada isaga oo intaa raaciyay in Faransiiska uu ku sii jiri doono.

Dhanka Suuriya waxaa uu madaxweynaha Suuriya sheegayaa in rabitaanka labada dal ay isku mid yihiin balse Faransiiska aaney taageersaneen shardiga ah in Asad uu meesha ka baxo, isaga oo soo qaatay in 7 sano ka hor ay safaaradooda kala baxeen Dimishiq balse aaney wax natiijo ah soo kordhin.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegay in dalkiisa laga yaabo in uu badalo go’aanka ku aadan Cimilda isaga oo aan wax faah-faahin ah bixin.

Ciraaq, labada dal waxaa ay isku afgarteen in ay sii wadaan la dagaalanka Daacish iyo in Road Map loo sameeyo bariga dhexe Daacish kadib.

Madaxweynaha Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa Khamiistii booqasho rasmi ah ku tagay dalka Faransiiska iyaga oo maanta ka qeybgalay bandhig  iyo xuska Kacdoonka Faransiiska.

Labada Madaxweyne ayaa ku dadaalaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in meel la iska dhigo Khilaafka ku aadan heshiiska Paris ee Cimilada.

Sanadkan waxaa ay Mareykanka u dabaal-degayaan 100 sano kadib markii ay galeen dagaal 1aad ee adduunka, waxaa lagu wadaa in gaado ka ciyaar ay wada sameeyaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Faransiiska