U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo UK Oo Heshiisyo Ganacsi Galaya

Sheeko:War

Waxaa lagu wadaa in dowladda UK ay wadahadal la furto Mareykanka, kaasi oo ku saabsan in faafaahin laga bixiyo heshiis ganacsi oo dhexmara labada dhinac ka dib marka ay si toos ah ay UK uga baxdo ururka  midowga Yurub.

Wasiirka ganacsiga caalamiga ah ee UK Liam Fox ayaa gaaray magaalada Washington, D.C  isaga oo labo maalmood halkaasi ku sugnaan doono, waxaa uuna la kulmayaa dhigiiska Mareykanka si ay u gorfeeyaan arrintaani.

Xeerarka midowga Yurub ayaa qeexaya in Uk aysan heshiis ganacsi gali karin, ilaa iyo inta ay si toos ah ay uga baxeyso Midowga.

Shirkadaha ganacsi iyo ururka shaqaalaha Uk ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karta heshiis degdeg ah oo ay Uk gasho.

Dhankiisa madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiis ganacsi oo uu lagalo dalkiisa Uk, waxaana la filayaa in heshiiskaan uu mar dhow dhaco.

Dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in wadahadallada ganacsi ee u dhaxeeya labada dal ay ku soo beegantay marxalad muhiim ah.

Isweydaarsiga ganacsi ee ka dhaxeeya UK iyo Mareykanka ayaa waxa uu ka badanyahay 200 Bilyan.

Sanadkii 2015 badeecadaha  uu Mareykanka uu kala soo dagay UK waxay gaareysaa 123.5 Bilyan  sida uu sheegay xafiiska falanqeynta dhaqaalaha ee Mareykanka.

Isweydaarsiga ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal waxa uu keenay in la helo shaqo abuur badan kuwaas oo ay ka faa’ideystaan muwaadiniinta labada dhinac.