U bood dhigaalka

Mareykanka Oo 21 Jeer Sanadkan Duqeeyey Al-shabaab

Sheeko:Amniga

AFRICOM waxaa ay sanadkan Al-shabaab weerraro cirka ku qaaddey ilaa 21 jeer, waa mid ay ku sii socoto tiradii badneyd ee sanadkii hore.

Maj. Karl J. Wiest oo la hadlay Long War Journal ayaa xaqiijyey in weerarkii  isniintii ay ku dileen 3 Al-shabaabka ee ka dhacay koonfur galbeed Muqdisho uu ahaa kii 21aad.

Sida uu Maj. Karl J. Wiest sheegayo sanadkan waa ay ballaariyeen meelaha ay ku dilaan kooxaha ay ugu yeraan kuwa “Mayalka adag”. June sanadkan waxaa uu Mareykanka duqeyn ka geystay hareeraha Boosaaso halka bishan uu duqeeyay meel u dhow Muqdisho.

Sanadkii hore 2017, AFRICOM waxaa ay xoogga saartay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jilib iyo meelaha ku hareereysan oo Al-shabaab deggan yihiin sida Janaale, Jilib iyo Kunyo Barow.”

Sanadkii weerrarada Mareykanka ka geysteen Soomaaliya waxaa ay gaareen 34, halka sanadkii 2016-ka ay ahaayeen keliya 14.

Goobjoog News