U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Al-qaacidda Iyo Daacish Ka Diley In Ka Badan Saddex Boqol (300) Askari

Sheeko:Caalamka

Diyaaradaha  dagaalka ee Maraykanka ayaa waxa ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al’qaeda oo ku sugan dalka Syria iyo ururka Daacish oo asna ku sugan wadanka Libiya  weeraro ka dhacay waxaa lagu dilay ku dhawaad 200 oo hubeysan oo ka tirsn Ururadaas sida ay sheegtay wasaaradda  gaashaadhigga ee dalka Maraykanka.

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa maalintii ugu dambeysan ee talada madaxwyne Brack Omaba  uu ku wareejinaayay xilka  madaxweynaha cusub ee Mareykanka Dnald Trump.

Wasaaradda gaashaadigga ee Maraykanka  ayaa waxay sheegtay in waxaan ka yareen 100 dagaalyahanno  hubeysan oo ka trisn Al-qaeda  in lagu dilay wadanka Syria  laguna dilay weeraro diyaaradaha Doroneska Mareykanka ay ka geesteen xero Tobabar  oo Al-qaeda ay ku leeyihiin  waqooyi bari ee Syria.

Afhayeen u hadlay wasaaradda  gaashaadigga Mareykanka oo lagu magacaabo Dives  ayaa ka hadlay weeraradada ka dhacay Syria waxa uuna yiri “ weerarada cirka ah waxay ka dhaceen xaafadda Idlib  waxaana lala beegsaday  xero tobabar  oo  Al-qaeda ay ka sameeyeen halkaas sanadkii 2013kii “

Weeraradaan ayaa waxay imaanayaan xilli ka dib markii diyaaradaha dagaalka  ee Marakanka ay  beegsadeen xubno ka tirsan ururka Daacish oo ku sugnaa  wadanka Libaya  halkaas oo lagu dilay dagaalyanno dhan 80- 90 ka tirsn Daacsih  weeraradaas oo ka dhacay magaalo xeebeedka Sirta  ee dalka Libiya.

Amarrada lagu diley dagaal-yahannada Daacish iyo Al’qaa’ida waa kuwii ugu dambeeyay ee uu bixiyay madaxweynahii hore ee Mareykanka Brack Obama oo la sheegey in uu u aarey qunsul horey looga diley Liibiya.

Goobjoog News