U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Cambaareeyay Weerakii Baarka Liido

Sheeko:Dalka

Xafiiska howlgalka dowladda Mareykanka u qablisan arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii Khamiistii ka dhacay baarka Liido ee magaalada Muqdisho.

“Mareykanka waxaa uu cambaareynayaa weerarka waxashnimada ahaa ee baarka Liido Beach , waxaan tacsi u direynaa qaraabada dadkii lagu dilay, innagoo caafimaad u rajeyneyna inta dhaawaca ah” sidaa waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka Mareykanka.

Mareykanka waxaa dhinaca kale uu qoraalkan ku ballanqaaday in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo sii adkeeyay wada shaqeynta kala dhaxeysa dowladda  ee la xiriirta soo celinta nabadda iyo ammaanka dalka

Goobjoog News