U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Diraya Xadka Mexico

Sheeko:Dalka

Mareykanka ayaa sheegay in todobaadka soo socda  ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 400 oo askari uu u diri doono  xadka uu la wadaago dalka Mexico.

Arrintan ayaa daba socota hadal ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo kaasi oo ku saabsanaa in ciidamo dheeraad ah oo ilaaliya xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico  uu diri doono inta laga dhameynayo darbiga laga dhisayo xadka labada wadan.

Trump ayaa horay u ballan-qaaday markii uu ku jiray ololaha Mareykanka in uu darbi ka dhisi doono xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico si looga hortago dadka sharci darrada ku soo gala Mareykanka.

Waxaa la filayaa in todobaadka soo socda ay xadka gaaraan ciidamo badan oo ka socda Mareykanka si loo xoojiyo amniga inta uu socdo dhismaha darbiga.

Goobjoog News