U bood dhigaalka

Mareykanka oo Cuna-qabateeyay Labo Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Mareykanka ayaa khamiistii soo saarey cunaqabateyn lagu soo roday labo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, kuwaas oo weerarro ka geystay Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa lagu cunaqabateeyay Axmed Iman Cali iyo Cabdifatah Abubakar Cabdi, Labadan waxaa loo aqoonsadey argigixiso caalami ah. Cunaqabateynta waxaa ku jira in la xayiro hantida iyo dhaq-dhaqaada raggan.

Sida ay qortay wasaaradda arrimaha dibadda Cali waxaa uu mid yahay saraakiisha ugu waaweyn Al-shabaab, weerarro badan ayuu Kenya iyo AMISOM u geystay halka Cabdi ay horay ugu dartay liiska la doon-doonayo, waxaa lala xiriirinayaa weerar ka dhacay Mpeketoni oo in ka badan 50 qof ku dhinteen.

Goobjoog News