U bood dhigaalka

Mareykanka oo Cunaqabateeyey Qas-wadeyaasha Doorashada

Sheeko:Amniga

Mareykanka ayaa waxaa uu cunaqabateyn kusoo rogay shakhsiyaad daahiyey doorshada, iyo qaar kale oo geystay gabood-fallo ka dhan ah banii’aadnimada iyada oo laga xayiri doono safarada iyaga oo qoyskooda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay inuu dhaqan-galayo

“Maanta oo ku beegan sanad guurada 1-aad ee muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqeynaa dhaqangalinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee xeerka socdaalka iyo jinsiyadaha ee bixinta visaha ee mas’uuliyiinta hadda iyo kuwii hore Soomaaliya ama shakhsiyaad kale ee ku hawlan wiiqista geedisocodka dimoqoraadiyadda Soomaaliya, ayna ku jiraan qalalaaso ka dhan ah mudaaharaadyada, xariga sharci darrada ah ee saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka iyo meermeerinta doorashada”.

Dadkan oo la tuhusanyahay wiiqista arrimaha doorashada ayaa waxaa ku jira dadka la beegsanayo qoysaska kuwa qas wadeyaasha ah.

Ugu dambeyntii, waxaa madaxda lagu dhiirigeliyey iney fuliyaan balanqaadkii ahaa gabagabeynta doorashada Febraayo 25, 2022.

Farmaajo waxaa uu dhamaaday xilkiisa  February 8, 2021, isaga oo geystay falal ka hor imaanaya baniáadnimada oo ay ku jirto dil iyo xarig, isaga oo  afgambiyey ra’iusl wasaare Rooble oo loo xilsaaray doorashada.

Goobjoog News