U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Daawo Iyo Qalab Caafimaad Ka Soo Dejiyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa goordhaw waxaa uu gegida diyaarada ah ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejiyay diyaarad military oo sida daawo iyo qalab caafimaad.

Dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Djibouti ayaa shalay diyaarado dawo iyo qalab kale siday soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho iyada oo Ankara ay qaaday 34 qof oo dhaawac ahaa si dalkaasi loogu daweeyo.

Qoraal axaddii ka soo baxay Washington  waxaa lagu cambaareeyay qaraxa Zoobe iyaga oo sheegay in Mareykanka uu sii wadi-doono garab istaagga Soomaalida dagaalka ay kula jiraan argigixisada iyo sidii loo heli lahaa Nabad iyo Barwaaqo.

Wararka, Kala soco, Goobjoog News