U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Diiday Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Jaziiradda Nauru

Sheeko:Dalka

Qaxooti u dhashay dalalka Soomaali iyo Iran ah oo ku sugan xeebaha dalka Nauru ee ku yaalo koonfurta badweynta Pacific-ga ayaa la sheegayaa in imtixaankii dib-u-dejin loogu sameyn lahaa Mareykanka lagu riday.

150 qaxooti ah ayaa loo ballamiyay imtixaanka, waxaana lagu waramayaa in lagu riday imtixaanka dadka ka soo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Iran.

Dadka imtixaanka lagu riday waxaa ka mid ah qoysas iyo caruur, sida laga sheeganaya haweeneyn Iran ayaa Isniintii isku-deyday inay is disho kadib markii ay ku dhacday Imatixaanka.

Dalka Iran keliya waxaa ay matalaan saddex u dhig hal meel dadka ku sugan Nauru,

Wararka waxaa ay sheegayaan in la aqbalay 155 qof oo qaxooti tan iyo markii uu barnaamijkan bilowday 2016-kii, laakin mar haddii la diiday qaxootiga Soomaalida iyo Iran waxaa muuqato in heshiiskii loo yaqaanay  “Heshiiska qaxootiga ee Australia inuu burburay.

Goobjoog News