U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Dilay Hogaamiyihii Daacish ee Afgaansitaan iyo Pakistaan

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay rumeysan yihiin in ay duqeyn ku dileen bishii hore hogaamiyihii Daacish ee Afgaansitaan iyo Pakistaan Xaafiz Saciid Khan.

Dalka Mareykanka ayaa duqeynta geystay kadib maalmo uun markii Daacish ay 80 qof ku dileen qarax ka dhacay Afgaanistaan, isla qaraxaas waxaa ku dhaawacmay in ka badan 230.

Ma aha markii ugu horeysay ee la sheego in ninka uu dhintay, sanadkii hore hey’adaha sirdoonka Afgaanistaan ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay laakin Daacish ayaa warkaas beenisay.

Goobjoog News