U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyey Adeegsiga Ciidan iyo Dhaqaale Sharci-darro ah

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka oo si dhow saaxiib u la ah taageerana siisa ciidamada xoogga dalka ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadashay ciidamo  dowladda fedraalka Soomaaliya  muddooyinkii ugu dambe ay ku daabulaysay gobalka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan dowladda Mareykanka golaha ammaanka Rudney Hunter  oo ka hor hadlayey shir goluhu ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa xusay in Soomaaliya sanadkaan 2020 ay u tahay sanad adag maadama dalka uu wajahayo marxalado kala duwan.

Rodney Hunter ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay galeyso doorashooyinka qaranka lana filayo in deynta laga cafiyo, waxaana uu intaas ku daray in ciidamada dowladda federaalka qorshu ahaa in sanadkaan ay ciidamada AMISOM ay kala wareegaan amniga guud ee dalka.

“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.”

Sidoo kale Mr.Rodney Hunter ayaa carabka ku dhuftay in mas’uuliyadda ciidamada dowladda iyo dowlad goboleedyada ay tahay la dagaalanka AL-shabab, waxaana uu sheegay in la ilaaliyo isku dhac labada ciidan ah lana soo afjaro khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubbaland Madoobe waa in ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin” ayuu  yiri isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan Mareykanka.

Isu duwaha siyaasadda dowladda Marekanka u qaabilsan golaha ammaanka  Rudney Hunter waxaa dhanka kale uu sheegay hormar weliba oo laga gaaro dhanka deyn cafinta, amniga iyo siyaasadda ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay samayeen  dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada.

Mr. Hunter ayaa bogaadiyey dedaallada uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isugu soo dhoweynayo dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, isaga oo dhanka kale soo dhoweeyey kulan dhowaan  Addis  Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Madaxweynaha maamulka Soomaaliland.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dowladda federaalka  Soomaaliya mudooyinkaan ciidamo aad u farabadan ay geysay gobalka Gedo iyada oo ay xusid mudan tahay in wada shaqeynta dowlad gobaleedka Jubbland iyo dowladda dhexe uu marayo hallkii ugu xumeyd.

Goobjoog News