U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Dilay 18 Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Weerar cirka ah, oo Ciidamada Mareykanka ay u qaadeen Al-shabaab  waxaa ay ku dileen 18 ka tirsan Al-shabaab, sidaasi waxaa sabtidii sheegay AFRICOM.

Afhayeen-ka AFRICOM  Nate Herring, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid is difaacid ah kadib markii waxa uu ugu yeeray “kooxaha macan-gegga”  ay arkeen dhoollatus si wadajir ah u sameynayeen Mareykanka iyo Somaalida. Nate Herring  ayaa intaasi raaciyey in aaney wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.

Weerarka waxaa uu ka dhacay meel 31 mile dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Soomaalida ay iyaguna dagaal iska kor imaad ah ku dileen dhowr Al-shabaab ah.

Mareykanka waxaa uu sanadkan gudahiisa qaaday ilaa 20 weerar oo xagga cirka ah, waxuuna sheegay in ku bar tilmaameedsanayo kooxda ugu khatarsan Afrika ee Al-shabaab.

Goobjoog News