U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Dilay 6 Dagaalyahan

Sheeko:Amniga

Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerar  dhinaca cirka ah oo ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 6 dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakada Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta dhanka cirka ah laga fuliyey qeybo ka mid ah buuraha Golis halkaasoo dagaalyahanno ka tirsan Xarrakada Alshabaab ay saldhigyo ku leeyihiin.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhigeyso middii 7aad ee bil gudaheed lagu beegsado ISISta Soomaaliya iyo Xarrakada Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka oo lagu magacaabo William West sidoo kalena ah agaasime ku xigeenka hawlgallada ee AFRICOM  ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan shabakadaha argagixisada ah ee Soomaaliya si dowladnimadu u hirgasho.

William West wuxuu intaas ku daray in duqeymaha cirka ee lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ay yihiin dadaallo looga difaacayo argagixisada dadka Soomaaliyeed lana doonayo in lagu xasiliyo ammaanka gobolka.

“Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) waa sii wadi doonaa la shaqeynta saaxiibbadiis si looga wareejiyo mas’uuliyadda iyo taageerada waqtiga dheer ee amniga Soomaaliya AMISOM iyadoo lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Iyadoo la taageerayo dowladda Soomaaliya ciidamada Mareykanku  waxay isticmaali doonaan dariiq kasta oo lagu caawinayo ilaalinta dadka Soomaaliyeed innagoo kaashaneyna qeybaha la dagaala argagixisada ee AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

AFRICOM ayaa sheegtay in hal qof oo shacab ah lagu dhaawacay intii lagu guda jiray duqeynta dhacday usbuucaan. Illaa sannadkii 2007, Xarrakada Alshabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyadoo dooneysa inay afgambiso dowlad caalamku taageero.

Waxay ahayd sannadkii 2011kii markii Xarrakada Alshabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ay banneeyeen magaalooyin kale oo muhiim ah oo ay ka mid tahay magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Goobjoog News