U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Cusub Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay taliska mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in 23kii bishan duqeyn dhinaca cirka ah laga fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta oo ka dhacday magaalada Dujuuma ayaa Mareykanku waxa uu tilmaamay in ay la beegsadeen xarun ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al shabaab islamarkaaka ay halkaasi ku gaarsiiyen khasaare kala duwan.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in seddex ka mid ah dagaalyahanada Al shabaab lagu dhaawacay weerarkaasi.

Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in weerarada ay ka geystaan deegaanada ay ku suganyihiin Al shabaab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah, iyada oo marar badan dowladda Mareykanka lagu eedeeyay in duqeymaha uu fuliyo ay waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah.

Sanadkan cusub ee 2020 dowladda Mareykanka ayaa waxa uu xoojiyay duqeymaha uu ka fulinayo gobalka Jubbada dhexe oo ay ku xoogganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News