U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Dhinaca Cirka Ah Ka Geystay Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gacan ka helaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose oo ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa loona yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Kuuno barrow 28-kii bishan lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al shabaab oo deegaankaasi ku sugnaa.

AFRICOM qoraalkooda waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 2 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab, waxaana Mareykanku uu tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah inta ay howlgalka ku guda jireen.

Boga lagu taageero Al shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Kuunyo barrow ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

Mareykanka ayaa sanadkan 2020 waxa uu kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Koonfurta Soomaaliya oo ku suganyihiin dagaalyahanada Al shabaab, waxaana Mareykanka uu muddooyinkii dambe duqeymo isdaba jooga ka geysanayay gobalka Jubbada dhexe oo si buuxda gacanta ugu hayaan Al shabaab.

Goobjoog News