U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Bartamaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hoggaanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay la kulmeen weerar intii ay kugada jireen howlgal ka dhan ah Alshaab kaasi oo dhacay bartamaha Soomaaliya.

Africom waxaa ay sheegtay Khamiistii in hal askari oo Soomaali ah lagu dilay weerarka labo kalena lagu dhaawacay, kaasi oo Arbacadii ka dhacay Tuulada Mubaarak oo 37 KM dhanka galbeed Muqdisho kaga beegan.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaaday weerar cirka ah kaasi oo keenay in labo askari oo ka tirsan Alshaab la dilo halka mid kalena ay waxyeello soo gaartay Africom waxaa ay sheegtay in uusan soo gaarin ciidamada Mareykanka khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News