U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyey Koonfurta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Kuunyo Barow June 25, 2019.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu taageeray xoogga dalka ay waqti iyo dhul u helaan la-dagaalanka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay in hakiyeen dhaqdhaqaada kooxda, isla markaana looga burburiyey hanti badan.

Mareykanku waxaa ay sheegeen in hal qof lagu dilay weerarkaas, sidoo kale aaney wax ku nqon wax rayid ah.

Goobjoog News