U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Kale Ka Fuliyay Puntland, Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in ay hal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daacishta ku sugan waqooyi bari ama Puntland.

Kooxda Daacish oo ku cusub gudaha Soomaaliya ayaan weli la sheegi karin tirada rasmiga ah, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in ay ka yar yihiin 100.

AFRICOM qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay“ Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya, waxaa ay ciidanka Mareykanka duqeyn cirka ka geysteen waqooyi bari November 27, 2017, waxaa lagu dilay hal qof oo argigixiso ah”.

Daacish waxaa ay tartan kula jirtaa xarakada Al-shabaab, laakin ma heystaan magaalooyin magac leh, waxaana ku socota duqeyn Mareykanka ah iyo weerar ciidamada Puntland.

Todobaadkan Mareykanka waxaa sidoo kale sheegeen in 100 ku dileen duqeyn ay u geysteen Al-shabaab oo ka dhacday meel Muqdisho u jirta 200 KM dhanka waqooyi galbeed.

Goobjoog News