U bood dhigaalka

Mareykanka oo Ka Quustay Duqeynta Cirka ee Daacish

Sheeko:Dalka

 Dowladda Mareykanka ayaa waddo qorhse lagu tababarayo Ciidanka Ciraaq si ay dagaal ula galaan Xoogaga Islaamiyiinta Daacish iyo Sunniyiinta.

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu ansixiyay in ilaa 450 milateriga Mareykanka ah loo diro waddanka Ciraaq , kooxdan ayaa tababari doonto Ciidanka Ciraaq.

Daacish, Waxaa ay ka talisaa inta badan dhulka Ciraaq iyo Suuriya, Waxaa ay sidoo kale dhawaan guulo ka gaartay dagaal ay la gashay Xukuumadda Xeydar Al-Cbaadi ee dalka Ciraaq.

Mareykanka oo duqeyn xagga cirka ku haya Daacish ayaa ku guuldareystay in uu wiiqo  awoodda Daacish lakin waxaa uu sheegay in uu ka fakirayo Ciidamo dhulka ah.