U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Joojin-doona Gar-gaar Uu Siiyo Pakistaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Pakistan been iyo inay dhagar ay ku sameeyaan Mareykanka xilli lacag Balaayiin ah oo ay kaalmo ahaan ay uga hesho .

Trump ayaa sanadkaan Twitterka waxaa uu ku soo qoray qoraalkiisii uu uga hadlayey Pakisatan  waxaa uuna yiri “Pakistan waxay hooy u tahay argigixisada”.

Pakistan ayaa dhankeeda si caro leh ugu jawaabtay hadalka uu soo qoray Trump “dhammaan maalgalinta waxay ku xirantahay xisaab iyo marmarsiino, Trump waxaa uu dareemayaa qaraarka jabkii ka soo gaaray Mareykanka Afghanistan”.

Waxaa kale oo la sheegayaa in Mareykanka ka fiirsan-doono illaa $250 Milyan oo horay ugu ballan-qaaday Mareykanka in uu siin-doono Pakistaan.

Goobjoog News