U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ka Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Jubbada Dhexe

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay xubin ka tirsan Al shabaab.

Duqeyntan oo ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe ayuu mareykanku sheegay in lagu dilay xubin ka tirsan Shabaab oo duqeynta lala beegsaday.

Sidoo kale AFRICOM waxa uu sheegay in duqeyntaasi aysan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ahba aysan ka soo gaarin dadka shacabka ah ee ka agdhawaaa goobta duqeynta laga geystay.

Taliska AFRICOM ayaa xusay in ay sii wadi doonaan howlagalada lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahanada Al shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan cusub ee 2020 kordhiyay duqeymaha uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News