U bood dhigaalka

Mareykanka oo Ku Baaqay Dib u Heshiisin iyo Iney Wada Hadlaan DF iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Qoraal arbacadii ka soo baxay xafiiska hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay mar walbo ay ahmiyad gaar ah siinayaan in DF iyo dowlad goboleedyada kala shaqeeyaan amniga iyo ladagaalanka Al-shabaab iyaga oo ugu baaqay wada hadal iyo tanaasul iney dhinacyada kala duwan muujiyaan.

“Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa weji khatar ah oo ku aadan safaka dhanka dimoqoraadiyadda, sharciga doorashada ma dhameystirna, waa in dhammaan xoogga saaraan dib u heshiisiin, lana soo celiyo xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada”

Ugu dambeyntii, waxaa uu Mareykanka ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo dhammaan saamileyda in laga shaqeeyo sidii ay doorasho hufan ku dhici laheyd 2020/1

Goobjoog News