U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ku Biiraya Syria Iyo Nicaragua, Kana Baxaya Heshiis Cimilada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka D. Trump oo shir jaraa’id ku qabtay beer ku taalla aqalka cad ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doono heshiiska cimilada ee Paris.

Mareykanka ayaa ku biiraya dalalka  Syria iyo Nicaragua oo ah dalalka aan ku jirin heshiis ay saxiixeen in ka badan 190 dal oo caalamka ujeedaduna ay tahay in laga shaqeeyo in dunida cimiladeeda aanu heer kulka gaarin meel aan ka soo noqod laheyn, lana yareeyo qiiqa iyo wasaqda warashadaha.

Trump waxaa uu ku marsiyooday in heshiiska uu shaqo la’aan dhigay dad badan Mareykan ah, isla markaana cimilada sida ay rabtaan ka yeeshaan dalalka Shiinaha iyo Hindia.

Madaxda caalamka sida madaxweynaha Faransiiska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida Mareykanka uga baxay heshiiskan, waxaa uu shacabka Mareykanka u ballan-qaaday in uu dalkiisa soo dhaweynayo, waxaa akale oo go’aanka Trump dhaleeceeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama.

Falan-qeeqayaal Mareykan ah waxaa ay tilaabada Trumpku tilmaameen mid waalli ah iyaga oo qaarkood ay sheegeen in Mareykanka aanu sidan sida ku hogaamin karin.

Goobjoog News