U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay In ay Hubeyn Doonnaan Macallimiinta Iskuullada

Sheeko:Dalka, War

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay tallaaboooyin uu ku dardargelinayo ammaanka iskuullada, tallaabooyin kuma jirto in da’da hubka lagu iibsan kor loo qaado oo la gaarsiiyo 21-jir sidii horey loo filayay.

Tallaabooyinkan ayaa waxaa ku jira in shaqaalaha waxbarashada la tababbaro oo la hubeeyo qaar ka tirsan macallimiinta. Tallaabooyinkan ayaa imaanaya kadib dhacdadii bil ka hor ka dhacday magaalada Florida ee ay ku dhinteen 17-qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen, intooda badanina ay arday ahaayeen.

La-taliyaha golaha siyaasadda gudaha ee madaxweynaha Mareykanka Andrew P. Bremberg ayaa yiri, waxaan ka shaqeyn doonnaa inaan ammaan buuxa oo adag u abuurno dadka Mareykanka, waxaan tababbarro wanaagsan oo sida hubka loo adeegsado ah siin doonnaa shaqaalaha u diyaarsan ee ka howlgala iskuullada.

Sida Aljazeera ay sheegtay, Mas’uul kale oo xukuumadeed oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri, waxaa jira barnaamijyo badan oo daafaha waddanka ka socda si tababbar heersare ah loo siiyo shaqaalaha ka howlgala iskuullada.

Goobjoog News