U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ku-xigeenka Al-shabaab Ku Daray Argigixisada Caalamiga

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa liiska argigixisada caalamiga ah ku daray ku-xigeenka madaxa xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya. 

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa lagu sheegay in Abukar Cali Aadan la xayirayo haddii hanti ku lahaado Mareykanka, waxaa kale oo muwaadiniinta dalkaasi laga mamnuucay in ay la tacaamulaan.

Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka dambeysay qaraxii October 14 ee Zoobe kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 512 qof.

Mareykanka waxaa uu Al-shabaab u aqoonsaday Argigixiso March 2008. Trump-na waxaa uu sanadkii hore ogolaaday in la ballaariyo bar-tilmaameedka kooxda taasi oo keentay in Mareykanka geystaan illaa 35 dumeymo oo lagu dilay in ka badan 100 kooxda ah.

Goobjoog News