U bood dhigaalka

Mareykanka oo La Sheegey in uu Saldhigyo Qarsoodi Ku Leeyahay Kismaayo iyo Balli Doogle

Sheeko:Dalka

Sida uu faafiyey wargeyska Foreign Policy, illaa 2 saldhig oo qarsoodi ah oo uu Mareykanku leeyahay kuwaasi oo laga duuliyo diyaaradaha aanan duuliyeyaasha lahayn ee Drones loo yaqaan ayaa ku kala yaala magaalada Kismaayo iyo waliba garoonka Balli Doogle oo horey u ahaa saldhigga ciidamada cirka Mareykanka.

Wargeyska ayaa kasoo xigtey wasiirka madaxtooyada Jubbaland Cabdiqani Jaamac isaga oo xaqiijinaya joogitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo xusey in ay saldhigoodu ku yaalo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Waxaa saldhigyadani qarsoodi ah ka hawlgasha askar lagu qiyaasay illaa 120 askari oo ah kuwa gaarka u tabobaran ee Mareykanka, kuwaasi oo mas’uul ka ahaa hawlgalkii lagu diley Usama Bin Ladin.

Hase yeeshee talista ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka gaabsaday in uu qiro jiritaanka saldhigyadani, waxase uu xaqiijiyey in ay Soomaaliya ka joogaan tabobarayaal iyo la taliyeyaal military oo tiro yar.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa weeraro joogto ah ka geysta gudaha Soomaaliya, iyada oo lagu bartilmaameedsado madaxda Alshabaab.

Horey saldhigyadani waxa ay ugu ooli jirey bariga dalka Itoobiya iyo waliba meelo ka tirsan dalka Kenya.

Goobjoog News