U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Lacag Ugu Yaboohey Abaarta  Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ka hadlay howlgalka Al-shabaab, isaga oo sheegay in AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay yareeyeen khatarta Al-shabaab balse ay weli jirto, waxaa uuna soo jeediyay in dhaqaalaha iyo siyaasadda wax laga qabto si looga adkaado.

Dhinaca kale, Rex Tillerson waxaa uu ka hadlay dalal ay Mareykanku siin doonaan  $533 million oo wax looga qabto abaaraha.

Dalalkaasi, waxaa ka mid ah Soomaaliya, South Sudan, Ethiopia iyo dalal aan magacooda la sheegin.

Goobjoog News