U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Lubnaan Ku Gacansiinaaya La Dagaalanka Daacish

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amaanay dadaallada ay dowladda Lubnaan kaga ilaalineyso xaduudaheeda ururka Daacish iyo ururada kale ee xagjiriinta ah.

waxaa uu tilmaamay Trump in uu sii wadi doono taageerada uu siinayo xukuumadda Lubnaan.

Hadalkaani ayaa Trump waxaa uu ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay aqalka cad kaasi oo uu kala qeyb galay ra’iisulwasaaraha Lubnaan Sacad Al-xariirii, isaga hoosta ka xariiqay in gacan siinta Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso in ay dhismaan ciidamada Lubnaan.

Ilaa iyo hadda mareykanka ma uusan  sheegin taageerada uu siinayo Lubnaan inta ay gaarsiisantahay, balse labada dhinac ayaa waxay muujiyeen in ay iska kaashan doonaan mustaqbalka dhanka millatariga.

Goobjoog News