U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Masar

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Masar, iyada oo ku sababeysay arrinkaan in ay kordheen weerarada argigixiso  iyo siyaasadda looga soo horjeedo madaxda waddankaasi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay suurto gal tahay in howlo argigixiso ay ka dhacaan meel walba oo ka mida waddanka Masar sida maagaalooyinka waaweyn.

Waxaa la tilmaamayaa in Mareykanka uu sidoo kale shaqaalihiisa iyo ergooyinkiisa ku sugan magaalada Qaahira uu uga digay in ay booqdaan goobaha la iskugu yimaado iyo goobaha diimaha.

Dowladda Jarmalka ayaa todobaadkii hore waxaa ay sheegtay in la qorsheynayo in weeraro lagu qaado goobaha ay u dalxiis tagaan dadka ajaanibta ah, iyada oo weeraray  hadda ka hor goob dalxiis oo ku taallo Masar waxaana lagu dilay labo qof oo u dhalatay dalka Jarmalka.

Kooxaha Daacish ayaa inta badan waxaa ay qaraxyo iyo weeraro toos ah la beegsadaan goobaha la iskugu yimaado ee dalkaasi.

Goobjoog News