U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ruushka Ku Edeeyay Ballan Ka Bax

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa joojiyay wada hadalka uu Ruushka kula jiray ee ku saabsan dalka Suuriya.

Washinton ayaa ku Moscow ku eedeeysay balla- ka bax, iyadoo ku guul-dareystay in Asad ay ka hor istaagaan dilka rayidka uu ku hayo.

Magaalada Xalab waxaa labo todobaad ku socota duqeyn, waxaana la sheegayaa in rayid badan halkaas lagu dilay.

Maamulka Asad ayaa weerar ku qaaday magaalada si ay dib ugu qabsadaan, beriga magaalada ayaa waxaa ka jirta dhibaato badan.

Magaalada Xalab waxaa ku go’doosan 250 Kun oo qof oo rayid ah, si dadkaas loo badbaadiyo waxaa ay u baahan tahay xabad joojin.

Dhinaca kale Ruushka waxaa uu ku eedeeyay Mareykanka in ay arrinta Xalab marmarsiyo ka dhigayaan laakin aaney daacad ka aheyn.