U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegay in 27 Ka Dileen Al-shabaab 4tii Maalin Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Amniga

Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 13 xubin oo ka tirsan Al-shabaab, meelo 48 km dibadda ka ah caasimadda Muqdisho.

Duqeyntan ayaa jimcihii ka dhacday agagaarka Gandarshe ee gobolka Shabeellada hoose, qoraalka waxaa lagu sheegay in Gandarshe tahay meesha laga soo abaabulo qaraxyada Muqdisho. December ayey aheyd markii Mareykanku sheegeen in isla magaalada ku dileen 62 ka tirsan Al-shabaab.

Khamiistii, duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxaa ay sidoo kale sheegeen inay dileen 24 Al-shabaab ah.

Weerarka Jimcaha waa kii 10aad ee sanadkan, sanadkii hore waxaa ay Mareykanka fuliyeen 50 weerar.

Goobjoog News