U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegay In Ay Al-shabaab Ka Dileen 2 Maalin Gudaheed 44

Sheeko:Amniga

Weerarkii saddexad oo ay Mareykanku ka fuliyan gudaha Soomaaliya todobbaad gudahiisa ayey sheegeen inay ku dileen 7 Al-shabaab ah, taas oo 2 maalin gudaheed tirda guud ka dhigeysa  44, weerarrada waxa ay ka dhaceen deegaanno ku dhow Camaara iyo Caad, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen AFRICOM arbacadii ayey ku sheegeen inay dileen 7  ka tirsan Al-shabaab, duqeyn ka dhacday Quy Cad ee Xarardheere, Mudug.

Weerarkan waxaa uu daba socday, labo kale oo isla gobolka ka dhacday, kuwaas oo lagu dilay 37 ka tirsan Al-shabaab.

Mareykanka ayaa si joogta ah u duqeeya xarumaha Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News