U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegay in Duqeyn Dhinaca Cirka Ah uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyada oo kaa shanaysa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah ku dhishay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM loo yaqaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn si gaara uga dhacday deegaanka Gardenshe ee gobalka Shbeelaha lagu bartilmaameedsaday dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab islamarkaana waxa Mareykanku uu sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 4 xubin oo ka tirsan Al shabaab.

Dhinaca kale Mareykanka waxa uu sheegay in duqeynta ka dhacday tuulada Gardenshe aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah, inkastoo aysan jirin ilo ka maxbananaan Mareykanka oo xaqiijin kara in dad shacab ah ay waxyeelo soo gaartay.

Bishan Maarso Mareykanka ayaa ilaa iyo 4 duqeyn waxa uu ka fuliyay Gobalka Shabeelaha hoose oo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalkaasi ay ku xoogganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News