U bood dhigaalka

Mareykanka oo Sheegay inuu Ka Xunyahay Jidka Qaloocan ee Farmaajo uu Ku Ceyriyey Kheyre

Sheeko:Dalka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay waxa ay ugu yeereen habka qaloocan ee madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka u mareen ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaas oo sii hurinayo xaaladda qasan isla markaana uu laalayo heshiiskii Dhuusamareeb ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

” Habkan qaloocan waxaa uu dib u celinayaa dib u habeynno badan oo ay taageereen Mareykanka. Xasiloonida Soomaaliya, amniga iyo barwaaqyo waxaa lagu gaari karaa uun wada hadal, wada shaqeyn iyo isu tanaasul dhex mara hoggaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Mareykanka waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan doorasho laga wada tashtay iyaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileyda iney ka shaqeeyaan xasiloonida, amniga iyo inuu miro dhalo shirkii Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntii, Waxaa ay Mareykanka u dhaarteen kuwa ay ku sheegeen “ku wax haleeya” iyaga oo yiri ” Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa wax haleynaya isla markaana caqabad ku ah horumarka laga gaaray xasiloonida, amniga, dowlad wadaagga iyo barwaaqada Soomaaliyda. Ma dooneyno in Soomaaliya jid qaldan lala aado” .

Goobjoog News