U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegaya In Dunida Aan Laga Mamnuuci Karin Hubka Wax Gummaada

Sheeko:Dalka

Safiirka Maraykanka ee qaramada midoobay  Neky Helly ayaa sheegtay in xiligaan la joogo aan suurtagal aheyn in caalamka laga mamnuuco hubka wax gumaada(nuclear ), hadalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu sheegay in caalamka laga mamnuuci doono hubka Nukliyeerka.

In ka badan 120 dowladood ayaa sheegay inay u codeynayaan in laga mamnuuco caalamka hubka Nukliyeerka, balse kulankaan looga arinsanayay hubka masoo xaadirin 40 dowladooda oo iyaga isticamaaha Nukliyeerka, waxaana ka mida wadamada qaadacay Uk iyo Faransiiska.

Safiiradda Maraykanka u qaabilsan qaramada midoobay ayaa sheegtay sidoo kale inaan suurto gal ahayn Nukliyeer la’aan waxayna ku sababaysan arrintaas waxay tiri lagama amaan helayo wadamada isticmaala hubka.

Kooriyada waqooyi ayay ahayd markii ay tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaallo kale oo ka sameysan balaastiig, inkastoo digniino ay kala kulantahay dhanka caalamka oo ay mid ahaayeen Maraykanka iyo Chaina.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay aya horay u cilaamiyay bishii October ee tagtay in lafurayo heshiis cusub oo looga doodaya arinta xayiraada ku saabsan hubka Nukliyeerka.

Wadamo ay mid yihiin Uk, France, Ruushka,Maraykanka  waxay ka soo horjeesteen heshiiskaan, halka China Hindiya iyo Pakistaan ay igana diideen.

Dowladda Jabaan ayaa u codeysay in la mamnuuco hubka Nukliyeerka, waana dowladda kaliya ee ka cabanaysa in lagu weerar ama lagu duqeeyay hubka Nukliyeerka sanadka markuu ahaa 1945.

Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Donald Turmp ayaa horey si cad u sheegay inuu doonayo inuu Maraykanka uu noqdo dowladda ugu badan xagga hubka Nukliyeerka dunida.

Goobjoog News