U bood dhigaalka

Mareykanka oo sheegtay duqaynta ka dhacday gobolka SHabeellaha hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in deegaano ka tirsan gobolka SHabeellaha hoose ay ku duqeeyeen hogaamiyeyaal ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

War lagu baahiyay Telefishinka CNN ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka ay weerarka ka fuliyeen deegaanada Dhaay tubaako , Haawaay iyo Sablaale oo ka wada tirsan gobolka SHabeellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha xarakada Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaasi.

Ma jirto faahfaahin ka soo baxday khasaaraha ka dhashay duqeyntan iyada oo ay adagtahay in lala xiriiri dadka ku dhow deegaanka sababola xiriira isgaarsiinta.