U bood dhigaalka

Mareykanka oo Sheegtay iney Dileen Sarkaal Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo ka dhacday agagaarka Jilib ee jubada dhexe lagu dilay sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Sida ay sheegeyso Africom, duqeynta waxaa ay dhacday 12/11/2019 , iyaga oo intaasi raaciyey in aaney dilin ama waxyeello soo gaarin wax rayid ah.

Duqeynta Mareykanka ay fuliyaan ayaa noqotay habka keliya ee Al-shabaab lagula dagaalo gudaha Soomaaliya kadib markii xukuumadda federaalka ah ay ku guuldareysatay qorshihii ahaa “Al-shabaab ayaa ku saareynaa 2 sano”!

Goobjoog News