U bood dhigaalka

Mareykanka oo Soo Dhoweeyey Go’aanka Aqalka Sare iyo Jawaabta D. Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Aqalka Sare ku dhex galayo, guddina ugu saarayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale uu ammaanay sida ay u ajiibeen inta badan dowlad goboleedyada.

“Mareykanka waxaa uu ku baaqayaa kulan degdeg ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, Dastuurka KMG waxaa u saldhigayaa wada hadal iyo wada shaqeyn dhexmara dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo qodobka 51(3) kaas oo dhigaya in ugu yaraan Madaxweyneyaasha ay ugu yaraan sanadkii kulmaan haljeer” ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaaradda Mareykanka waxaa ay soo dhoeysay Baaqa kasoo baxay Aqalka Sare ee lagu dhexgalayo dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah iyo soo dhowynta baaqaas ee Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Saciid Cabdulahi Deni oo Puntland ah iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo saamileyda kale.

Ugu dameyn, Mareykanka waxaa ay dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeen iney la yimaadaan go’aan geesinnimo lah oo lagu qayaxayo nidaam doorasho oo la qaban karo, waqtigana lajaanqaadi kara.

Goobjoog News