U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Wali Ka Aamusan Duqeyn Uu Dad Shacab Ah Ku Dilay

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaan wali ka hadlin duqeyn 10-kii bishan ka dhacday degmada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose islamarkaana ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in duqeyntii 10-kii bishan dhacday ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, isaga oo iska fogeeyay in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Warbaahinta caalamka iyo tan gudaha ayaa waxa ay si aad ah u tabinayaan in duqeyntii Janaale ka dhacday ay ku geeriyoodeen 4 qof oo shacab ah, waxaana dadka duqeynta ku geeriyooday ay saarnaayeen gaari Soomaalidu u taqaan Hoomeey oo ay duqeyntu haleeshay.

Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga ay duqeyntu haleeshay iyo waliba dadkii saarnaa oo dhamaantood gubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax wara oo ka soo baxay Mareykanka oo uu dhacdadaasi uga hadlayo.

Al shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in duqeyntii 10-kii bishan ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo gaari saarnaa, waxa ayna iska fogeeyeen in qaar ka mid ah dagaalyahanadooda ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Sidoo kale dowladda Farmaajo kama aysan hadlin duqeyntan lagu laayay dadka shacabka ah, balse dhinaceeda war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab.

Mareykanka ayaa marka uu gudaha Soomaaliya ka fuliyo duqeymo, kaliya waxa uu sheegaa in tiro ka tirsan Al shabaab uu dilay, balse ma xuso xubnaha la dilay magacyadooda iyo xilalka ay haayeen.

Horay hey’adaha u dooda xuquuqul aadanaha sida Amnesty international ayaa waxa ay Mareykanka ku eedeysay in duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya mararka qaar ay waxyeelo ba’an ka soo gaarto dad rayid ah.

Goobjoog News