U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Weerar Cirka Ah Ku Dilay 9 Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana ay dileen ilaa 9 ka tirsan kooxda. Weerarka ayaa jawaab u ahaa mid ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warbixin ay soo saareen Mareykanka waxaa lagu sheegay in weerarkan ay qaadeen maalintii isniinta, kaas oo dhacay meel  dhacda  40km waqooyi galbeed magaalada Kismaayo.

Weerar oo iska kaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa qoraalka lagu sheegay in Al-shabaab  looga dhaawacay dad kale, sidoo kale weerarka ayaa la sheegay in ay rayidku ka badbaadeen, oo aan khasaare jirin.

Mareykanka waxaa uu sanadkan Al-shabaab ku qaaday 24 weerar, kooxdan oo ay Washington ku sheegtay midda ugu khatarsan dalalka saxaraha ka hooseeya.

Goobjoog News