U bood dhigaalka

Mareykanka oo Xayiraad Dhinaca Fiisaha Saarayo Mas’uuliyiin Ka Soo Jeeda Shiinaha

Sheeko:Amniga

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay xayiraad dal ku gal ay ku soo rogayso saraakiil ka tirsan xisbiga shuuciga ee shiinaha kuwaas oo la aamminsayhay inay wax u geysteen xorriyadda Hong Kong.

Mr Pompeo ayaa sheegay in xayiraaddan ay bartilmaamedsaneyso saraakiil hadda kamid ah xisbiga iyo kuwo horay xisbiga uga tirsanaaba.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay daba socoto ballanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahaa in tallaabbo laga qaadi doono cid walbo oo madaxbannaanida Hong Kong dhibaata u geysatay.

Shiinaha ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid qaldan sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga laabto. Arrintan ayaa kusoo aadaysa maalmo ka hor inta baarlamaanka shiinaha uusan furmin.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacbiga ayaa ka doodi doona sharciga cusub kulankiisa, kaasoo bilaabanaya maalinta Axadda.

Shiinaha ayaa soo jeediyay shuruucyo amni oo dambi ka dhigaya cid walba oo wiiqdo awoodda xukumadda Beijing ee Hong Kong, taas oo u horseedi karto shiinaha in ay ciidamadeeda ammanka la wareegaan gacan ku haynta Hong Kong markii ugu horeysay.

Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii, Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, ay sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen” iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong.

Balse Ms Lam oo marki ugu horreeysay meel fagaara ah ka hadashay waxay sheegtay tallabbada sharcigaasi lagu meel marinayo iney tahay tallaabbo “xilkasnimo ah” oo lagu dhowrayo dadka ugu badan ee sharciga u hoggaansamo.

Goobjoog News