U bood dhigaalka

Mareykanka: Siyaasiga Cali Jaamac Maxamed Oo Bogaadiyey Doorashooyinka Jubbaland

Sheeko:Dalka, War

Cali Jaamac Maxamed, oo ah siyaasi, madaxna ka ah “Somali American leadership council”, oo ku nool gobolka Ohio ee dalka Mareykanka  ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan siiyey Goobjoog News, isaga oo uga waramay xaaladda Jubbaland.

Mr. Cali Maxamed waxaa uu sheegay in magaalada Kismaayo ay wax wanagsan  ka socdaan,  ayna muhiim tahay in dowladda ay gacan ka geysato, isaga oo bogaadiyay guddiga doorashada iyo xuduudaha  Jubbaland, oo uu tilmaamay in ay qabteen shaqo aad u wanaagsan oo mudan in la taageero, waxaa uuna yiri “Waxaa la dhisay guddigii xuduudaha iyo doorashooyinka, waxaa ayna qabteen shaqo aad iyo aad u wanaagsan oo muhiim ah oo ay soo gaarsiiyeen bilow ilaa dhammaad ilaa maalinba tilaabo sax ah oo ku haboon waqtigeeda ay qaadayeen, oo sharcigii iyo nidaamkii ay dagsadeen waafaqsan”.

Sidoo kale guddoomiyaha Somali American leadership council ayaa aad u bogaadiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Jubbaland, waxaa sidoo kale uu hambalyo uu diray guddoomiyaha baarlamanka ee la doortay isaga oo xusay inuu wax badan soo qabtay oo lagu xasuusto, waxaa uuna yiri” waxaana rabaa inaan sidoo kale aan bogaadiyo Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland, ee soo xulay xildhibaannada oo muddadii ay ku jiraan howlaha oo ay la kulmeen caqabada, iyaga oo  uga soo gudbay midnimadooda, wadajikoda, walaaltinimadooda, iyo rabitaanka shacabkooda, oo ayaguna shaqadii loogu tala galay soo qabtay oo soo xulay xildhibaanadii, waxaana hanbalyo u dirayaa guddoomiyaha cusub ee la doortay ee baarlamaanka 2-aad ee Sheekh Cabdi oo ahaa goddoomiyihii baarlamaanka 1aad shaqa fiicanna soo qabtay muddadii uu xafiiska joogay ”.

Dhanka kale siyaasiga Cali jaamac Maxamuud, ayaa dardaaran u diray baarlamaanka cusub ee la doortay ee Jubbaland, isaga  oo kula dardaarmay in ay doortaan qofkii Jubbaland ka saari lahaa xaaladda ay ku sugan tahay una saari lahaa xasilooni iyo baraare waara, waxaa uuna yiri” Maanta taladu gacantooda ayeey ku jirtaa, masiirkii Jubbaland iyaga  ayaa laga rabaa in maanta ay doortaan qofkii ka gudbin lahaa waqtigaan adag ee hadda jira una gudbin lahaa  wixii loo doortay, madaxweynaha hadda jira oo kaanbeenkana ku jira wax badan ayuu ka soo qabtay Jubbaland”.

Ugu dambeyn waxaa ugu baaqay dowladda federaalka,  si loo ilaaliyo midnimada umadda iyo kalsoonidooda in dowladdu ay dhowrto dastuurka federaalka iyo midka dowlad gobaleedyada waxaana uu yiri “ Dowladda dhexe iyada ayaa looga baahan yahay in ay ilaaliso dastuurka u degsan dalka iyo midka dowlad gobaleedyada u yaala si loo helo xasilooni siyaasadeed, wada shaqeyn is aaminaad iyo in meel looga soo wada jeesto umaddaan Soomaaliyeed ee burburka iyo dhibaatadu daashatay”.

Haddaba, Halkan Hoose Ka Dhageyso, Wareysiga Cali jaamac Maxamed, oo ah siyaasi madax ka ah “Somali American leadership council