U bood dhigaalka

Mark Zuckerberg: Isbedello Guud Ayaa Lagu Sameynayaa Facebook-ga Si Loo Yareeyo Waqtiyada La Isticmaalayo

Mark Zuckerberg aasaasaha “Facebook” ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in isbedello waaweyn lagu sameyn doono adeegyada shirkaddiisu bixiso  oo saameynaya wararka dadka barta isticmaa ay ishoodu qabaneyso.

Zuckerberg ayaa bartiisa bulshada kusoo qoray in hortabinta la siin doono isdhexgalka bulshada ee macnaha leh, halkii markii hore wararka dadka caanka ah kuwa warbaahintu ay hortabinta lahaayeen.

Waxa uu Mark hadalkiisa sii raaciyay “Xilliyadii lasoo dhaafay waxaa xoog badnaa ka qeybgalka shirkadaha, gacansiga iyo warbaahinta, kuwaas oo inta badan carqalad ku noqda xaaladaha gaarka ah iyo xiriirka bulshada.”

Waxa uu tilmaamay in isbedelkan looga golleeyahay in dadka barta adeegsadaa ay dareemaan in wakhtigooda Facebook ay sidii loo baahnaa u qaadanayaan. Waxaanuu filanayaan markaa in dadku wakhti aad u kooban ay ku qaadan doonaan barta oo dadbadan wakhtiga ka lumisa.