U bood dhigaalka

Markab Ay Leedahay Itoobiya Oo Ku Xirtay Eratariya (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Inta la xasuusto waa Markii ugu horreeysay oo markab ganacsi oo ay leedahay xukuumadda Itoobiya, ay ku soo xirtay Dekedda Massawa, oo ku taalla dalka Eritrea, markii ugu horeysay mudo 20 sano ah.

Markabka ganacsiga ee dalka Itoobiya ayaa waxaa markii uu ku soo xiranayay dekaddaasi goobta ku sugnaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki waxaana wehlinayay masuuliyiin labada dal ka kala tirsan.

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Markabka xamuulka qaada ee “Mekelle”, oo ay ka dul-babanayaan calamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Qorshaha ayaa lagu sheegay inuu shixnado badeeco oo qayiriin ah ka soo qaadayo dekadda Massawa ee wadanka Eretariya oo uu geynayo dalka Shiinaha.

Mareegta Goobjoog News ayaa ilo wareedyo muhiim ah oo u dhuun duleela arrimaha gobolka ay u xaqiijiyeen in Markabkani uu qaadayo Sisinta loogu yeero “White SESEMA”.

Diblumaasiyiin ayaa sidoo kale mareegta Goobjoog News ugu xog warramay in sababtani ay tahay qorshe dowladda Shiinaha ay ku doonayo lacagtii amaahda ahayd oo ay ku leedahay Itoobiya ay sidaan kaga magato.

“Sisin iyo Kafeey ayuu Shiinaha kaga beddalanayaa lacag 3.3 Bilyan oo uu deynahaan horay ugu siiyay Itoobiya” ayay u sheegeen Goobjoog News diblumaasiyiinta la hadlay.

Warbaahinta Eratariya ayaa faafisay in markabka  oo ka yimid boqortooyada Sacuudiga uu kasoo qaadi doono dalka Eritrea 11,000 tan oo ZINC ah, oo uu u geyn doono dalka Shiinaha.

Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu bogaadinayo dadaallada ay waddo xukuumadda Asmara kuwaasoo lagu ku doonayso inay ku hormariso adeegyada dekadaha iyo waddooyinka, kuwaasoo uu ku sheegay tallaabooyin loo qaadayo dhanka horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.

“Itoobiya iyo Eretariya waxay ka wada shaqeyn doonaan hirgalintya heshiis ka kooban 5 qodob oo bishii July ee sanadkani aan magaalada Asmara ku wada saxiixannay madaxweynaha Eretariya Asaisa Afwerki” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wadanka Itoobiya oo dadkiisu lagu qaddaro in ay ka badan yihiin 100 milyan ayaa la hayn wax dekad ah, waxaana tan iyo markii uu Raysal wasaare Abiy Axmed Cali xafiiska yimid uu billaabay dadaallo uu hormuud yahay oo dalkiisu uu kaga saarayo dekad la’aanta.

Dadka odrosa siyaasadda ayaa sheegaya in arrintani Itoobiya ay kaga maarmi karto dekadda Jabuuti oo horay u isticmaali jirtay, inkastoo Itoobiya ay muddo ku qaadanayso.

Xukuumadda Addisababa ayaa leh 12 markab oo kuwa xamuulka qaada, waxaana ay dhowaan shaacisay inay sameysanayso ciidamada kuwa badda ah, taasoo dad badan oo caalamka ku nool ku noqotay amakaag.

Ugu dambeyn, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis ay wada galeen bartamihii sanadkani waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay maalgashi ku sameysanayso afar dekadood oo ku yaalla dalkani.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Goobjoog News